Bariga dhexada soomaaliya !!

Ma ahan wax kugu cusub maqalka ereyga "bariga dhexe" isla makaas aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya dagaalo iyo aragtooyin is diidan haku dhisnaato mid diimeed ama mid bulsho.

Inkastoo aan sid cad loo sheegi karin mida ka jirta wadanka guud ahaan hadana wax aan muuqan oo meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan inta badan bulshada aan ogeyn ayaa ka jira koonfur galbeed soomaaliya si wal haku dhacdee !!.
Xaqiiq waa meel kulansatey nimcadii alle hase yeeshee dadkeeda aanan arkin horaa loo yiri qofka barwaaqada ku kora ma dareemo baahida waxa ay tahay !!.
Ayadoo sidaas ay tahay ma degna dad is diidan balse waxaa jira dhiqlo aan muuqan ee ku dhexa jira bulshadaas qeybaheeda kala duwan iskuna daya in uu kala geeyo iskuna diro umadaas dhiiga, dheecanka iyo dhaqan wadaaga ah ayagoo u soo maraaya kuwa ayaga ka mid ah si ay u gaaraan danahooda shaqsiga ah aysan ka fakarin cawaaqibka ka dhalan kara falka ay sameynayaan.
Qaab dhismeedka bulsho waa mid ku dhisan is ogol iyo wada jir hadana ma muuqato wax wada qabsi ramsi ah oo ayagii ayaa isku maqan waxey fuliyaan, arkaan, maqlaan kan ka soo horjeeda jiritaankooda isla joogooda. waxaa dhexdooda laga saarey is aaminaadii iyo isku tiirsanaantii waxaa loo abuurey jawi culaadeed ee aan la garaneynin halbeega dhamaadkiisa balse ay fududahay in la fahmo ujeedyooyinka guracan ee laga leeyahay !!.
Marka aad eegto dhibaatooyinka yaala Sh/hoose, Baay ama Bakool waxba kama duwana dhibka Gaza ka dhacaya ama midka Yemen Siiriya iyo Liibiya warkooda daa waxaa sidaas yeelayana waa madaxdooda iyo hogaanadooda oo fiirsanayaa danahooda shakhsiga ah.
Wadamada bariga dhexe ku yaala ma jiro mid go'aan madax banaan oo wax tar iyo badbaada u leh wadaankiisa qaadan kara dhamaantooda waa loo yeeriyaa waxa ay sameyn lahaayeen sidaasi si la mid madaxda KG waa kuwa ugu nugul in ay qaataan cashirada loo yeeriyo bal ayagaaba raadsado waxa ay sameeyn lahaayeen kuwo ayaga ka liita !!.
Nacamleeynimada hoogaanda bariga dhexe waxa ay dhaxalsiisey in bulshadooda loola baxo magacyo kala duwan oo madaxda caalamka ay ku hal qabsadaan marka ay joogaan meelaha qaar bal wadamadooda dhexdooda sidaasi si la mid ah shacabka KG waxa ay noqdeen cadayga soomaalida kale taasoo sabab u ah madaxdooda iyo qaar ka mid ah bulshada !!.
Muhimada istiraatiijiyo iyo mid dhaqaale sida bariga dhexe ay ugu leedahay aduunyada ayey KG Soomaaliya ugu leedahay balse garasho ayey u baahantahay. Tusaale shidaalka aduunka in ku dhow ama ka badan 60% bariga dhexe ayaa laga soo saaraa qaarkood xariiqda saboolka ayey dadkooda ka hooseeyaan soomaaliyana qudaarta la istcimaalo KG ayey ka inta badan hadana ka muuqato ma aqaano sababta !!.

Marka aad fiiriso dhamaan wadamada bariga dhexe waxaa joogo ciidamo kala duwan kuwasoo ka kala socda wadamada horumarey Europe, America iyo Asia kuwaasoo aysan ogeyn shacabka wadamadaas sababta ay u joogaan dhulkooda kuwaasoo inta badan ay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan sidaasi si la mid ah ciidanka ugu badan soomaaliya wuxuu joogaa KG hadana fal walboo dhaca inta badan wuxuu ka dhacaa goboladaas
In la iska qabto madaxdaas waxey ku imaan kartaa in la helo dadkii lahaa dhulkaan in ay hogaamiyaan shacabkana ay kala doortaan kan u shaqeeya dadka, diinta iyo dalka ee aan ka shaqeysan waa wadada keliya ee furan ayna suuragal tahay in lagu badbaado !!.

Comments