kasaary ky shoob ingty la hamoothy ley noo haatheng !!





Burburkii dowladnimo ka dib waxaa waxaa wadanka ka hanaqaadey maamuulo kala duwan kuwaaso ku yimid rabitaanka iyo talada dadka deegaanka ayagoo u arkey in meesha keliya
 lagu badbaadi karo ay tahay in wax un maamul ah ay dadka 
deegaanka sameystaan si ayu yaraato dhibaatada heysata bulshada loona kala nabad helo.

horaantii sagaashamaadkii waxaa waqooyi galbeed somalia  ka sameymey maamulkii igu horeeyey loona bixiyey somaliland kuna yimid tashiga dadyowga kala duwan eedegan deegaansadaas ayagoo hogaamiye u doortey Axmed Cali Cigaal, bartamihii isla sanadkaas waxaa
 maalul ay hor wadeen ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka  deegaanka ka smeysmey kuunfurta somaliyagaar ahaan inta u dhaxeysa labada wabi loona bixiyey ' inter riven state' waxaana hogaamiye ka ahaa abuukaate Hasey  nasiib daro maamulkii asaga ahaa asoo wax ka yar sideed bilood jirsadey ayaa waxaa ku soo duuley huwantii sal balaar ee uu hogaaminayey AUN Gen caydiid, buruburintii maamulkaas waxey sii horisey dadgaaladii ka taagnaa deeganadaas waxeyna god ku ridey ama aastey dadaalkii iyo dib u heshiisiintii socotey,dhamaadkii isla sanadkaas waxaa waqooyi bari somaliya ka sameysmey maamul seddexaad  loona bixiyey puntland waxaana hogaaamiye ka noqdey AUN Cabdulahi yusuf Axmed, markii laga reebo maamulkii ka dhismey koofurta labadii kale waxey sameeyeen koriimo iyo hormar wax ku ool ah.

maadaaama aafooyin fara badan la is gaarsiiyey waxaa gudaha iyo dibadda wadanka ka bilowdey dadaalo lagu doonayey sidii dib  u heshiisiin dhab ah ay u dhici laheyd, balse intooda badan laguma guuleysan, wixi ka dambeeyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee ka dhacey dalka Djabuuti waxaa soo if baxey xoogoo is faham ah waxeyna albaabka u sii furmey  yegleelida dowlado ku meel gaar ahaa, nasiib daro waxaa isla markii wadnka ka dhashey uru diimeedyo ka soo horjeedo nidaamka dowladnimo ee socdey taasoo keentey mar kale inuu lumo mustaqbalka wadanka, wixii ka markaa ka dambeyey waxaan noqoney suuq furan oo dowaladaha deriska ah ay ku hardamaan taasoo ilaa hada taagan.

Dowladii uu hoagaaminayey madaxweynihii hore Xasan Sh Maxamuud waxaa dib wadanka loogu yagleeley maamul goboleedyo fara badan  waxaa sameysmey koonfur galbeed, galmudug, hirshabeele, jubaland, mar kale waxaa mugdi la geliyey mustaqbalka dad weynihii degnaa inta u dhaxeysa labada wabi waxaa laga garab dhisey maamlul sax ahaanshihiisa ay cod qayaxan ku diideen goloha baarlamaanka.

maamulka koonfur galbeed wuxuu noqdey maamulka ugu liita maamulada kale ee wadanka ka jira ayadoo loo sababeynayo sababo fara badan haba ugu weynaatee dhibaato dhexdooda isku haya iyo kuwa dowlada ku heyso, waa dowlad goboleedka madxadiisa iyo shacabkiisaba ay ku noolyihiin xabsi kor ka furan taasoo sabab u ah dhoor arimood:
kuwa ku matala meela ama dowlada dhexe oo aan dan iyo xaajo ka laheyn dadka ay ku matalaan meesha keliya u cad hunguri mareenkooda, dowlada dhexe oo aan ka lahayn dadn iyo xaajo deegaanadaas.

ma jirto isu gudub bulshada dhexdeeda ah deegaan deegaan kale u godba oo ay ka jirto ama laga heli karo waxayaaba asaasiyaadka noolasha aadanaha ma jiro, maanta deegaanada kama jiraan cisbitaalo ku xaaladaha deg dega ah, inta badan deegaandaas xor ma ahan oo waxaa inta badan gacanta ku haya AL-SHABAAB kuwaas go'doon bulshadeed saarey una diidan in ay helaan niadaam dowladeeeda ama mid ka duwan kan ayaga wadaan taasi waxey keentey in bulshadaas ay u nuglaato wax walbo soo wajaho ama soo food saaro hadey ahaan laheyd waxyaalaha rabaaniga abaaraha iyo wixii la mid ah, ma fududa in wax la gaarsiiiyo bulshadaas oo hadii la isku dayo in la gragaaro markii lagu dul dagaalamo intii ka badbaado ayaa loo girmadaa bal mararka qaar kuwii gar gaarka u yimid baa la gar gaaraa.

dhibaatada deeegaankaas ka jirto ma aha wax qoraal iyo af lagu soo koobi karo, si ay ugu baxaan dhibaatadaan daba dheeraatey waxey isku dayeen  sidii ay ku heli lahaayeen hoogaan wanaagsano ka samata bixin kara dhibaatan ragaadisey bulshada qeybahooda kala duwan, balse mar iyo laba ma ahan in dadyowgaas rabitaankooda laga hor istaago ayadoo la adeegsanaayo awood dowladeed laga soo bilaabo kacaankii ilaa maanta iyo kuwa deegaanka ka soo jeedo ee u jilib qabta qof walboo raba in uu wax yeeleeyo dadkaas ayagoo ka eeganayo danahooda gaar ah.

bilooyinkaan soo socda waxaa loo ladlanyahay dhisitaanka baarlamaankii labaad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo waxaa la dheisey gudiga dhisida baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed ayadoo intaasoo dhibaato ay ku geedaamanyhiin bulsha weynta degta labada webi ahna meesha ugu barwaaqada badan waxey u baaahanyihiin dhiig joojin deg deg ah si ay dhigooda wax ula qeybsadaan uguna mid noqdaan dad maqaam ku leh bulshada inteeda kale waxaa lagamamaarmaan ah in la helo is bedel deg deg ah in la sameeyo odey dhaqameedkana ay soo xulaan dad aqoon iyo wax tar leh. 
Bulshadaas ku dulman meel walba ku dayacan wadanka intiisa kale laguna dhibaateeyo lagu dhaco xoolohooda, bulshaadaas maalin walba la dooxo wax garadkooda iyo indheer garadooka, hooyooyinkaas maalin indha xumada u joogo arkaaya wiilkeeda oo qarax lagu xiranaayo aysan abood u laheyn xitaa in ay hadasho ee u gaarka ah deeganadaas uur xumadaas dadkii badli lahaa dadka iyo dalka iftiin u shidi lahaa ayaa loo hamuun qabaa qab qable aan dadkiisa war u heysnin waqtigiisa halaga soo af jaro umadaas daalan.

Dadlii nabada iyo dowladnimada ku asteysnaa waxey u baahinyihiin dheeiig joojin, maxaa u diidey in ay asaagooda wax la qeybsadaan ayaga dhexdooda wax is taraan dadka kalana ay wax taraaan hadii falsafadii hore ee qof jecleysiga aan meesha laga saarin waxaa la dhihi doonaa waa baa halkaan la degnaa.


Comments